MUQDISHO : Taliyaha NISA Dayniile lagu khaarijin lahaa degmadaas+ khasaare jira

|

Muqdisho (ONKOD ) Warar  aan ka helayno degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  Taliyaha NISA ee degmada Dayniile  uu ka badbaaday isku day dil.

Waxa ay ka danbeysay tani ka dib markii loo taabtay miinada dhulka lagu aaso – oo lala eegtay gaari uu saarnaa Taliyahan oo loo yaqaano Seedi – XUME .

Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday halka mid – kalena uu ku dhaawacmay oo isgana ahaa qof rayid ah.

Maamulka degmada wax war ah ma uusan ka soo saarin qaraxan maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dhawr mar sidan oo kale qaraxyo ayaa ka dhacay meelo ka mid ah degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha