Muxuu ku saabsanaa kulanka dhex maray MW Xasan Sheekh iyo odeyaasha dhaqanka ee Shabeellaha Dhexe ?

|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wali kulamo kala duwan ka wada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah waxa uu la qaatay odeyaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulanka inta uu socday ayaa madaxweynaha iyo odeyaasha waxa ay isla meel dhigeen in la adkeeyo garab istaaga ciidanka xoogga ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, si dalka looga saaro kooxda.

Geesta kale odeyaasha iyo waxgaradka kulanka qeybta ka ahaa ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay sida ay uga go,an tahay dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Sikastaba, ciidanka xoogga dalka ayaa weli howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa ay kawadan deegaano ku yaalla gobollada dalka.

Related Articles

News In English

Fikradaha