Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Madaxtooyada Somaliland ku qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka Amb. Richard H. Riley oo uu wehelinaayo Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.
Madaxweynuhu ayaa ugu horeyn waxa uu u mahadceliyay xubnaha wefdiga Mareykanka iskaashiga iyo wadashaqeynta Amniga geeska Afrika iyo arrimaha Militriga ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Maraykanka, Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xusay in booqashada weftigani ay xoojinayso xiriirka mustaqbal ee labada dhinac.
Safriika Mareykanka ee Soomaaliya Amb.Richard H. Riley iyo wefdigiisa ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Somaliland, waxa ayna si wadajir ah u shegeen inay ka wadashaqeyn doonaan, iyada oo Danjire Richard uu cadeeyay inay ka go,an tahay iskaashiga dhinacyada amniga ee geeska Afrika.
“Sidoo kale, waxa ay madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyeen doorka uu ka qaatay horumarka dalka, arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan, adkaynta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday dal aan weli ka mid noqon beesha Caalamka haseyeeshee buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahna. Iyagoo si gaara u bogaadoyey Madaxweynaha aqbalay natiijadii guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku dhawaaqeen.” Ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Madaxtooyada.
Sikastaba, Mareykanka ayaa wararka qaar ay shegayaan inuu qorsheynayo inuu saldhig milatari ka sameysto Magaalada Berbera ee Somaliland.