Muqdisho (Onkod Radio) – Hindiya ayaa wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaasi haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH).
Nupur Sharma ayaa 10 maalmood ka hor gefkaasi ku kacday kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowladood oo Muslim ah.
Axaddii, xisbiga BJP ayaa shaqada ka joojiyay Sharma. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaadada ah.
Xisbiga BJP ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo horjeedo fikir kasta oo aflagaadeynaya ama hoos u dhigaya koox ama diin, waxa uuna intaasi ku daray in aysan “taageerin dadkaas ama falsafadda ay aamminsan yihin”.
Diblomaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan waddamada Islaamka ee aad uga carooday gefka Nebiga (NNKH), waxay sheegeen in faallooyinka aysan ka tarjumayn mowqifka dowladda oo ay yihiin “aragtida xagjirka”.
Inta aan laga eryin shaqada, haweenaydan qareenka ah oo da’deedu ay tahay 37-jir ayaa ahayd qof si weyn loo doondoonayay “Afhayeenka rasmiga ah ee BJP” taasoo habeenba habeenka ka dambeeya kasoo muuqanaysay doodaha talefishannada dalkaasi, si ay u matasho isla markaasina u difaacdo xukuumadda Raysul wasaare, Narendra Modi.
Iyadoo kulliyadda sharciga ka dhigata Jaamacadda Delhi, Sharma waxay xirfaddeeda siyaasadeed billowday 2008-dii markii loo doortay guddoomiyaha ururka ardayda iyada oo ah murashaxa Akhil Bharatiya Vidyarthi Parishad (ABVP), garabka ardayda ee waddaniyiinta Hinduuga Rashtriya Swayamsevak Sangh.
Waxay soo shaacbaxday sanadkii 2011-kii markii ay dib ugu laabatay Hindiya, iyadoo Iskuulka Dhaqaalaha ee London ka heshay master-ka dhanka shuruucda ganacsiga caalamiga ah.
Sanadkii 2013 waxay ka mid noqotay guddiga saxaafadda ee xisbiga BJP, waxayna halkaas ku hanatay kaalinteeda marka la fiiriyo qaabka ay ugu doodaysay luuqadaha Hinduuga iyo Ingriiska.
Labo sano kaddib oo doorashooyin cusub lagu dhawaaqay, waxay ahayd murashaxa BJP ee ka dhanka ah madaxa Delhi Arvind Kejriwal.
Ma ahayn doorasho qofna uu filayay inay ku guulaysato, laakiin ololaheedii xoogga badnaa ayaa soo jiitay indhaha – waxaa loo magacaabay afhayeenka rasmiga ah ee xisbiga ee Delhi, iyadoo sanadkii 2020 noqotay “Afhayeenka Qaranka” ee BJP.
Carada Dunida Muslimka
Dalalka Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa Axaddii u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas.
Qadar ayaa sheegtay in ay Hindiya ka rajeyneyso raalligelin dadweyne.
“In la oggolaado in hadallada Islaam nacaybka ah ay sii socdaan ciqaab-la’aan, waxay ka dhigan tahay halis weyn oo ku wajahan ilaalinta xuquuqul-insaanka, waxaana laga yaabaa inay horseeddo nacayb iyo takoor hor leh, taas oo abuuri doonta colaad iyo nacayb hor leh,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar.
Sacuudiga ayaa sidoo kale falkaan ka muujiya caro adag. “Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa cambaareysay hadalladii ka soo yeeray afhayeenka xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee Hindiya, ee lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxayna mar kale xaqiijinaysaa diidmada joogtada ah ee nacaybka ka dhanka ah diinta Islaamka,” ayaa lagu yiri.
Safiirka India u fadhiya Qadar, Deepak Mittal, ayaa sheegay in hadallada ka soo yeeraya qaar ka tirsan ‘dadka nacaybka ku xeeldheer’ aysan matalin aragtida dowladda Hindiya. Hoggaamiyeyaasha sare ee BJP iyo safiirrada kale ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalka muranka dhaliyay.
Balse, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in laga yaabo in hoggaanka sare ee xisbiga iyo xukuumaddu ay ku qasban yihiin inay si cad uga hadlaan arrintan. “Haddii aan sidaas la yeelin,” ayay yiraahdeen, “waxaa halis ah in ay dhaawacdo xiriirka Hindiya ay la leedahay dalalkan.”
BBC SOMALI