Nin kuhubeysan qori AK47 oo dhac kageysanaayay Garoowe oo gacanta lagu dhigay

|

Garoowe (ONKOD) – Booliiska ee ka howlgala magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay nin hubeysan oo muuqaalkiisa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn loogu baahiyay.

Sidoo kale, shaqsigan hubeysan ee ciidamada xireen ayaa waxaa muuqaalkiisa duubay kaamirada CCTV , isaga oo si xoog ah iyo qoray caaradiisa kaalin shidaal gaari uu watay shidaal uga shubanaya, waxa uuna ninkan rasaas ku riday ninkii ka shaqeenayay kaalinka .

Dhanka kale, muuqaalka ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa laga arkayay ninkan oo handadaya ninka kaalinka shidaalka joogay, waxa uuna ku riday rasaas taas oo keentay ninka goobta joogay in shidaal qasab ah ninkaasi gaariga ugu shubo.

Falkan ka dhacay Garawe waxaa aad uga carrooday shacabka ku dhaqan caasimadda Puntland iyo dadkii kale ee muuqaalka arkay, waxa ayna ciidamada ugu baaqeen in ninkaasi tallaabo adag ka qaadaan.

Saraakiisha booliiska magaalada Garawe ayaa sheegay in ay baarayaan falka uu ninkan ku kacay, waxa ayna sheegeen in ninkan oo hadda booliiska gacanta ku hayaan loo gudbin doono hayádaha garsoorka.

Related Articles

News In English

Fikradaha