Nin miinooyinka u qaabilsanaa Al-shabaab oo lgacanta laguso dhigay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Sida ay qortay warbaahinta dowladda soomaaliya ciidanka kumaandooska ee Danab ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanada Yaaq Bishaar, Buulo-xaaji, Kaam-jirroon iyo Warta Biloow oo ka wada tirsan Gobolka Jubada hoose isla markaana ka tirsan maamulka Jubaland.

Intii uu socday howlgalkan ayaa lagu soo qabtay nin la sheegay in Al-shabaab uu u qabilsanaa Miinooyinka, kaas oo lagu magacabo, Xasan Cabdullaahi Abshir,halka magaciisa afgarashadana lagu sheegay Abuu Faaruq.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu dilay dagaal yanno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale waxay Ciidanku soo saareen Miinooyin ay dhulka lagu aasay, sida uu sheegay Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Taliye Carab Dheeg Axmed.

Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Biyo dhaamin u sameeyay Shacabka ku dhaqan deegaannadaas.

Related Articles

News In English

Fikradaha