Odayaal la heshiiyay AlShabaab oo ay Maxkamadda Ciidamada xukun ku ridday.

|

Maanta ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida xukun adag ku ridday Odayaal ka soo jeeda magaalada Cadaado oo dhawaan heshiis lasoo galay Al-Shabaab kadib markii ay ugu tageen degmada Xarardheere taasoo ay hadda la wareegeen Ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Waxay kala yihiin Odayaasha lagu riday xukunka:-

1: Sugaal Warsame Cali

2: Caliyare Axmed Xeyle

3: iyo Cumar Maxamed Jimcaale

Odayaashan ayaa 27-kii December ee sanadkii tegay laga soo xiray gudaha degmada Cadaado kadib markii ay heshiis la soo galeen Al-Shabaab.

Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabkasida ayaa sheegay in ay maxkamaddu odayaasha ku xukuntay xabsi ciidan oo shan sano ah.

Waxay maxkamaddu u ogolaatay Odayaasha la xukumay in ay qaadan karaan racfaan.

 

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha