Punland oo ka hadashay Ajanabi DAACISH ah oo u geeriyooday sabab layaab leh

|

Garoowe (ONKOD ) Maamul Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay  in sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa  Daacish uu gaajo iyo harraad ugu geeriyooday dhulka miyiga ah.

Waaxda denbi-baadista u qaabilsan Booliska Puntland ee (C.I.D) ayaa xaqiijisay geerida Maxamed Saalim Maxamed oo ka tirsanaa Daacish islamarkaana ka soo jeeda dalka Yemen

Ninkan katirsanaa Daacish ee gaajada u geeriyooday ayaana la ogeyn in xilligaasi uu baxsad ka ahaa kooxdii uu ka tirsanaa ama uu u socday howlgal ay u direen saraakiisha kooxda Daacish.

Hay’adaha amniga Puntland ay baadi-goobayaan nin Soomaali ah oo socdaalka ku weheliyay ajnabiga geeriyooday ee Maxamed Saalim.

Booliiska Puntland ayaana dadka shacabka ah ka codsaday in ay lasoo wadaagaan xogaha kooxaha falalka amni darro ku lugta leh haddii ay arkaan, waxa ayna booliiska sheegeen in gacan bir ah ku qabanayaan kooxaha nabbad diidka ah.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha