PUNTLAND : 19 Xubnood oo ka tirsanaa Daacish oo la horkeeyay Maxkamad

|

Garoowe (ONKOD) maamul goboleedka  Puntland ayaa maxkamad saartay 19 xubnood oo isugu jira argagixisada Daacish iyo xbno kale oo ka tirsan kooxda Al- Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xarunteeda Boosaaso ee gobolka Bari ayaa la hor keenay shabakadahan argagixisada ah sida saraakiishu ay sheegeen.

Wararka ayaa xaqiijinaya in xubnahan ay ku jiraan saraakiil   iyo horjoogayaal sare oo madax ka ahaa shabakadaha madax-jebiska iyo kuwa qaraxyada diyaariya.

Xogaha dhanka amniga ah  ayaa sidoo kale sheegaya in maalmaha soo socda la sii wadayo maxkamadaynta shabakadahan.

Saraakiisha Ciidanka maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya  in ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku bacsanayaan kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan deegaanada Puntland.

Buuraha galgala ee gobolka Bari waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish .

Related Articles

News In English

Fikradaha