Somaliland iyo Puntland ayaa maanta is dhaafsaday Maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood sannadkii 2023.
Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo la hadlay warfidiyeenada, ayaa sheegay in Puntland ay 15 maxbuus ay ku wareejisay Somaliland, halka sidoo kale Puntland ay la wareegtay 11 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
“Maanta waxaa dowladda Somaliland ku wareejinay 15 maxbuus oo kamid ah maxaabiisti lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool 2023-kii. Somaliland dhankeeda waxa ay 11 maxbuus ku soo wareejisay dowladda Puntland,” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Puntland.
Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in tallabadan ay muhiim u tahay xoojinta nabadda, Ganacsiga iyo is dhexgalka bulshada labada dhinac.
Weli maamulka Khaatumo kama uusan hadlin is dhaafsiga maxaabiista Somaliland iyo Puntland, waxaana xusid mudan maxabiista laga soo deynayo Somaliland, in aysan kasoo jeedin SSC-khaatumo.
Sikastaba, tallaabadan is dhaafsiga maxaabiista, ayaa noqoneysa markii labaad oo lasii daayo maxabiis lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool.