Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhoweeyay gogoshii uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo tilmaamay in laga maarmaan ay tahay in la isku yimaado si loo xaliyo khilaafka ka dhex jira labada dhinac.
Deni ayaa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh, ka codsaday inuu ka dhabeeyo gogosha uu shaaciyay, isaga oo hoosta ka xariiqay in wixii horay u dhacay aga tago loona baahan yahay midnimo qaran.
“Madaxweynaha dowladda federaalka, waxa uu ku dhawaaqay in uu gogol u fidinayo dadka Soomaaliyeed, madaxweynaha waxaa ka codsanayaa inuu tallaabadaasi ka dhabeeyo, waayo dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay u baahan yihiin midnimo qaran”, ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni.
Hadalkan ayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni, ka sheegay tababaro uu maanta u soo xirayay ciidamo cusub oo ku biiraya dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, oo ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.