Q.M oo sheegtay tirada dadka kudhintay kuna barakacay roobka

|

Muqdisho (ONKOD) – Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 278,000 oo kalena way saameeyeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ay sameeyeen webiyada tan iyo markii ay bilowdeen roobabka xilliga Deyrta, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bini’aadantinimada (OCHA).

Sidoo kale, Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadda ku sheegtay, in 43,840 qof ay ka barakaceen dhulkoodii, iyadoo badi laga diiwaan geliyay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Hay’addu waxay sheegtay in dadkani weli ay u nugul yihiin daadadka dambe haddii roobabku sii socdaan sida la saadaaliyay maadaama inta badan goobaha loo barakacay ay ku yaalaan dhul joog hoose ah.

Dhanka kale, Sida ay sheegtay OCHA, ugu yaraan 3 qof ayaa wali lagu la’yahay Baydhabo iyo Galmudug, 150 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen degmada Luuq ee dowlad goboleedka Jubaland intii lagu guda jiray roobabkii lixaadka lahaa ee da’ay 22 Oct.

Related Articles

News In English

Fikradaha