Qaramada – Midoobay ‘’GAZA waa qubaaraha caruurta Falastiin’’ -Argagax

|

Gaza (ONKOD ) magaalada Gaza ee dhulka Falastiin waxaa wali ka soconaya duqeymaha ay gaysanayaan  ciidanka Yahuuda kuwaas oo kumanaan shacab ah ku laalay halkaas.

Israel ayaa laba jibaartay duqeynta cirka ay ku wado waqooyiga Gaza & xeryaha Qaxootiga oo ay sadex kamid ah shalay duqeysay.

Tiradda dhimashada shacabka Gaza ayaa mareysa in ka badan 9.770 qof oo ay ku jiraan 4.800 caruur ah.

Muddo bil ah ayaa maanta ka soo wareegatay markii ururka Xamaas ay weerar ku qaadeen Israel, 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres, ayaa ka digay in Qasa ay noqotay ‘qabuuraha carruurta’, iyadoo Israel ay weli waddo duqeymaha ay ka geysaneyso Qasa.

Goor sii horreysay ayaa danjiraha faransiiska ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku baaqay heshiis bani’aadminimo oo ka dhaca Qasa.

Baaqyada Caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza ayaan weli loo dhega nuglaan, taasoo ka horjoogsatay dadka reer Gaza wax kasta oo magaalada gali jiray marka laga reebo tira yar oo gargaar bani’aadnimo ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha