Qarax gaari oo ka dhacay banaanka hotel Donald Trump uu ku lee yahay Las vegas

|

Booliiska ayaa baaraya ka dib markii gaari nooca loo yaqaan ‘Tesla Cybertruck’ oo ay ka buuxaan caagado shidaal iyo waxyaabaha qaraxa sameeya ee loo yaqaano rash-ta oo ku qarxay banaanka hotelka Trump ee ku yaalla Las Vegas, Nevada.

Darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay, todobo qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen iyadoo aan la magacaabin cid ka mid ah dadka ku lugta leh falkan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dhaawacyadu ay yihiin kuwa fudud.

Gaariga xamuulka ah ayaa laga soo kireeyay Colorado wuxuuna soo gaaray magaalada subaxnimadii Arbacada, wax ka yar laba saacadood ka hor inta uusan qarxin, sida ay booliisku sheegeen. Gaariga oo la soo dhigay afaafka hore ee Hotelka, una dhow albaabka laga galo ayaa bilaabay inuu qiiqo, kadibna uu qarxo.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Aqalka Cad uu daba gal ku hayo dhacdadan, laamaha ammaankuna ay baarayaan “haddii uu jiro xiriir ka dhaxeeya weerarkaan iyo kii New Orleans”, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof maalintii koowaad ee sanadka cusub.

Muuqaal laga soo duubay gaariga qarxay ayaa muujinaya baabuur soo gaaray albaabka hore ee hoteelka, kadibna halkaa yaallay dhowr ilbiriqsi ka hor inta uusan qarxin – waxaana la arkayay iftiin faro badan oo goobta ka baxaya.

Muuqaal kale ayaa muujinaya baarayaal adeegsanaya agabka ka hortagga dabka si aanu dabku ugu faafin qaybaha gaariga iyo aagga ku hareeraysan.

Haamaha gaaska ayaa lagu arkay agagaarka uu ka dhacay qaraxu.

Qaraxaan ayaa dhacay saacado yar ka dib markii nin gaarigiisa laga dhex helay calanka Daacish uu gaari jiirsiiyay dadweyne ku sugnaa magaalada New Orleans.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay dad badan.

BBC

 

Related Articles

News In English

Fikradaha