Ra’iisulwasaare Xamse iyo Safiirka Dowladda Sweden oo Kulmay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya – iyadoo Mudane Lindgarde ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda ku aadan waxqabkeeda, Sweden ayaa ka mid ah dowladaha taageera dowladda federalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada Caalamiga ah iyo qorshooyinka dowladda mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.

Related Articles

News In English

Fikradaha