Rucbi xooggan oo ku dhacay Milatariga Israel iyo Jihooyin Cusub oo Dagaal oo ku furmi kara

|

Tel Aviv (ONKOD) Kadib, hawlgalkii duufaanta Al-Aqsa ee shalay gilgilay dareenka dadka Yuhuuda iyo dalalka isbahaysiga la ah, ayaa waxay maamulka Israel walaac xooggan ka muujiyeen duqeymihii madaafiicda ee ay ururka Xisbullaahi Lubnaan la beegsadeen xero milliteri oo ku taalla meel ku dhow xuduudka dalka Lubnaan.

Ilo-wareedyo Milliteri ayaa xaqiijiyey in ay maamulka Israel u daabulayaan gaadiidka dagaalka iyo kuwa culus ay wehliyaan ciidamo badan xuduudka ay la wadaagaan dalalka Lubnaan iyo Syria.

Milliteriga Israel ayaa ka walaacsan Jiho cusub oo dagaal oo kaga soo farrmi karta  labadaasi dal oo isbahaysi dhow la ah Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran oo ay Maraykanka iyo israel u arkaan caddowgooda ugu weyn.

Khubarada arrimaha milliteriga ka faalooda ayaa sheegay in istaraatiijiyada dagaalka haatan u dhexeeya Israel iyo kooxda Xamaas ay macquul tahay inuu u xuub siibto dagaal ku faafa Mandiqada.

Khubarada waxay la anfariirsan yihiin awoodda qarsoon ee kooxaha mukhaawamada Falastiin, gaar ahaan Xarakada Xamaas oo shalay la dareemay cududeeda aan la dhayalsan karin.

Sidoo kale, Ururka Xisbullaahi, Milliteriga Lubnaan iyo Syria ayaa loo arkaa inay ku soo biiri karaan dagaalka ka dhanka ah Israel ee xilligan haysta taageero la mid ah dagaalkii Masar iyo Israel dhex maray sannadkii 1973-kii.

Si kastaba, milliteriga Iiraan ayaa laga yaabaa inay fursad u helaan inay qeyb ka noqdaan dagaalka, waaba haddii uu dagaalka Israel ku soo dhawaado xuduudaha dalalka Lubnaan iyo Syria.

W/Q Ustaad Nuuradiin Abuukar

Related Articles

News In English

Fikradaha