Ruto: Xaaladda Soomaaliya waa mid cakiran oo ay adagtahay

|

Nairobi (Onkod Radio) — William Ruto isagoo la hadlayay Telefishanka CNN ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayuu sheegay in ay wanaajin doonaan xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arimaha Amniga & Abaaraha Somalia mar wax laga weydiiyay wuxuu ku gaabsaday – Somalia inay gacan-bidixeyn badan ay ka jirto balse ay muhiim tahay in Dadka Soomaaliyeed loo madax banneeyo aaya-ka talintooda.

“Waxaan horay ula soo shaqeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya loo doortay, waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno isaga iyo beesha caalamka si aan u xalinno caqabadaha ka jira Soomaaliya ” ayuu yiri William Ruto .

Waxaa la weydiiyay go’aankiisa ku aadan Duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine & Hadalki Xog-hayaha Gargaarka Ururka Africa ee uu kaalmada ku weydiistay Russia.

Madaxweyne Ruto wuxuu ku nuux-nuuxsaday inaysan ahmiyad u lahayn quwado waaweyn oo is-heysta balse uu diirada saarayo baahiyaha aasaasiga ay dadkiisu qabaan iyo si kasta oo uu ku samata-bixin karo 4 million shacab Kenyan ah oo abaar daran dulsaaran tahay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sanadihii ugu dambeeyey ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee Xasan Sheekh ayaa markii la doortay kadib tegay Nairobi halkaasi oo heshiis uu kula saxiixday Uhuru Kenyatta.

Heshiiskaas waxaa ku jira in meesha laga saaro caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku-galka Kenya.

Related Articles

News In English

Fikradaha