RW hore Shirdoon Saacid oo maalmo ka hor dhaliilay amniga dalka lagu qaabilay Villa Somalia

|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay  Cabdi faarax Shirdoon oo Ra’iisul wasaare soo noqday muddaadii u dhaxeeysay 2012 ilaa 2013.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab  iyo garab istaagga ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dalka ku soo laabtay todobaadkii hore, waxaan uu durbo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taahay xilka madaxweynaha Soomaaliya May 2026, isaga sidoo kale shaaciyay xisbi siyaasadeed uu hoggaamiye ka yahay asiga.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha