RW ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga caasimada

|

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir-guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray qorshaha horumarinta amniga caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka shacabka ku nool Gobolka, loona adkayn lahaa iskaashiga hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha amniga.

“Xukuumadda DanQaran, muhiimad weyn ayey siinaysa  la shaqaynta hey’adaha amniga, dhiirrigalinta ciidamada qalabka sida, is-dhexgalka laamaha dowlada iyo shacabka, wuxuunna faray golaha wasiirrada in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kula soo afuraan shacabka iyo Saraakiisha amniga degmooyinka caasimadda”, ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac

Ugu dambeyn  Saalax, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha kala duwan ee masuulka ka ah amniga caasimadda in ay isku xirnaadaan, ayna dhexgallaan shacabka ku nool Gobolka Benaadir, si bulshada looga soo dhex-saaro kuwa halista ku ah amniga, ee ku dhex gabbanaya shacabka caasimadda.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha