RW Xamsa oo guddi u xil saaray ka jawaabida khasaaraha uu sababay Roobka

|

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddiga ka kooban wasiiro, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda Sodma, si ay uga soo warbixiyaan khasaaraha uu geystay roobkii ka da’ay Muqdisho.

Guddigan oo  uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad Jibriil Cabdirashiid, ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah waddooyinka iyo goobaha uu saameeyay roobka.

Mudane Jibriil Cabdirashiid, ayaa sheegay in roobka uu sababay khasaaro naf iyo maal leh, uuna saameeyn ku yeeshay ganacsiga isku socodka dadka.

Waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumadda ay kaalinteeda ka qaadan doonto maareynta khasaaraha iyo gurmadka deg deg ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka ku waxyeeloobay  daadadka uu sameeyey roobka.

Sikastaba, Roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimashada 7 ruux, iyo burburka  9 Guri, iyo 6 waddooyin oo muhiim u ah gaadiid magaalada.

Related Articles

News In English

Fikradaha