Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kaddib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo daboolli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.
Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed.