RW Xamse ‘’Saciid DENI wuxuu iga tabanayo ha ii sheego ‘’’

|

New York (ONKOD ) Khilaafka  u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Dhexe oo ka bilowday magacaabista Ra’isulwasaare Xamse  Cabdi Bare ayaa – wali wax heshiis ah oo rasmi ah laga gaarin muranka oo soo jiray muddo aad u badan.

RW Xamse ayaa sheegay inuu diyaar markaan la yahay wada- hadal dhab ah oo lala galo maamulka Puntland ee hadda uu madaxwaynaha ka yahay Saciid Cabdullaahi Deni

Waxa uu sheegay Mr Xamse  in xiriirka kala dhaxeeya dadka ku nool Puntland uu fiican yahay, balse maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Deni uu sheegay inuu tirsanayo tabasho ilaa haatan aanu garanayn waxay salka ku hayso.

Ra’iisulwsaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza  ayaa sheegay in Siciid Deni uu ka sugayo inuu ula yimaado waxa uu xukuumadiisa ka tirsanayo.

Intaas waxa uu warkisa ku daray Ra’iisulwasaare Xamse  inuu diyaar u yahay inuu safar ku tago Puntland si loo xaliyo wixii mugdi ah ee labada dhinac ka dhexjira.

Hadalkan waxa uu siiyay Ra’iisulwasaaraha laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland waxaa wali u dhaxeeya khilaaf siyaasadeed , waxaana Puntland ay sheegtay  in – gabi ahaanba ay jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha