Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia, Hodan Cismaan Cabdi ayaa si rasmi ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbisay agaasimaha habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mongolia, Mudane Ts. Ankhbayar.
Danjire Hodan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay bilowga waajibaadkeeda cusub, ayna ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah iyo in la ballaariyo fursadaha wadashaqeynta gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo isdhaafsiga dhaqanka.
Soomaaliya iyo Mongolia waxa ay xiriir diblomaasiyadeed yeesheen 28-kii Febraayo 1971, waxaana muddo ka badan 50 sano naga dhaxeeyay xiriir saaxiibtinnimo iyo iskaashi ku dhisan ixtiraam, wadashaqeyn iyo aragti mideysan oo ku aaddan nabadda iyo horumarka caalamka.