Saldhigyada Ilaa Hadda ATMIS ay wareejisay & waqtiga ay ka dhamayaan guud ahaan dalka.

|

Muqdisho (ONKOD) Bisha December ee sanadka 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika

In muddo ahba waxaa su’aalo la iska weydiinayay goorta ay ciidamada Soomaaliya awood u yeelan doonaan in ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ciidamada ajaanibta.

Hada waxaa bilowday in ciidanka ATMIS ay baneeyeen fariisimo ay ku lahaayeen meelo ka mid ah dalka , taas oo qayb ka ah dhimista ciidanka ATMIS  ee  ku soconaysa si tartiib tariib ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu wareejiyey saldhigyada  Cadale, iyo Arbacow.

Magaalada Cadale ayaa hawlgalka ATMIS uu sheegtay in ciidamada Burundi ay maamulka ku wareejiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wareejinta waxaa sameeyey taliyaha ciidamada Burundi ee ATMIS sarreeye guuto Jean Claude Niyiburana oo ku wareejiyey Gaashaanle Sare Saney Cabdulle, oo ah taliye guuto oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Saldhigga Arbacow oo ku yaalla maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ATMIS sheegtay in lagu wareejiyey ciidamada xoogga dalka.

ATMIS ayaa sheegtay inay dalka ka bixi doonaan ciidamo dhan 2 kun oo laga soo qaaday saldhigyada la wareejiyey

Dawladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay inay diyaarisay ciidamadii la wareegi lahaa mas’uuliyadda ciidamada 2-da kun ah ee la dhimayo.

Bishii April ee sanadkii 2022 ayaa howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya laga baddalay magaciisii hore ee ahaa AMISOM waxaana laga dhigay ATMIS.

Ujeeddada loo baddalay magaca waxaa qeyb ka ahayd in la guda galo diyaargarowga sidii ciidankaas looga bixin lahaa Soomaaliya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha