Saraakiisha Dowladda oo laga shakiyay & Awood la siiyay Gen . Odawaa

|

Muqdisho (ONKOD) Howlgalada ka socda deegaano badan oo  Galmudg iyo Hirshabeelle ah waxaa hareeyay shaki badan oo laga qabo xagal daacin ay ku hayaan saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa loogu baaqay inuu muunjiyo feejignaan dheeraad ah oo la xiriira cida uu u wakiilanayo howlgalada ka socda meelo  badan oo dalka ah.

Ka dib shakiga fara badan ee laga qabo wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Muxuyidiin Sheekh Ibraahim waxaa la arkayaa howlgalada qaar uu hormuud ka yahay  Generaal Odawaa.

Xog la helayo ayaa sheegaysa in  la dhimay awooda  Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka , taas bedelkeeda la howlgaliyay Generaal Odawaa ooo hore xilka looga qaaday iyo Cali Jayte

Xooga howlgalada ka socda Hirshabeelle waxaa markan horkacaya  Generaal Odawaa waxaana tan qayb ay ka tahay sida Xasan Sheekh uusan ugu kalsoonayn Taliyaha ciidanka iyo wasiirkiisa gaashaandhigga.

Durbadiiba waxaa soo baxaya war sheegaya in Dowladda ay doonayso in ay bedesho saraakiisha hadda horkacaya howlgalada ,maadama aanay jirin kasooni badan oo lagu qabi karo.

Howlgalada socda waxaa hareeyay shaki badan oo laga qabo isku milinka ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab taas oo keentay in goobaha qaar ciidanka dowlada looga itaal roonaado.

Xasan Sheekh ayaa dhawr jeer meel fagaara ah ka sheegay inuu ka warhayo shaqsiyaad aan daacad ka ahayn howlgalka Dowladiisa ay kula jirto kooxda Al- Shabaab ee ka socda dalka.

W.Q Hanad Ali Guled

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha