Sawirro: 2 Diyaaradood oo Ciidan ah oo ka degay Dhuusamareeb

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Labo diyaaradood oo kala siday ciidamo iyo saanad Millateri ayaa galabta ka degay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo qeyb ka noqon doono xoreynta deegaannada ka maqan gacanta maamulka Galmudug.

Ciidamadan oo boqollaal ah ayaa daba socdo ciidamo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dagayay caasimadda Galmudug, kuwaas oo ay beesha Duduble ugu talagashay xoreynta deegannadooda oo ay muddo 15 sanno ku dhow heystaan Ururka Al-Shabaab.

Waxaa si xowli ah u socdo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay wadaan beelaha dega Hirshabeelle, iyo Galmudug Koonfur Galbeed, iyadoo ay jirto in ay kusoo daba jiraan maamulka Jubbaland, waxaana meesha ka marneen garabka dowladda iyo maamullada, kuwaas oo isla gartay in laga faa’ideysto kacdoonka shacabka.

Al-Shabaab ayaa looga adkaaday dagaallada socda kudhowaad muddo 2 bil ah ayagoona laga saaray deegaanno gaaraya 30 kuwaas oo ay kulahaayeen saldhigyadooda ugu waaweyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warxasafeed dhowr mar ah ay soo saartay tirada guud ee dhimashada Ururka looga dilay dagaalka inay kabadan yihiim 200 oo dagaalyahanno ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha