Sawirro: Ciidanka XD oo kala wareegay Al-Shabaab deegaanno katirsan gobolka Baay

|

Baydhabo (Onkod Radio) — Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno katirsan gobolka Baay waxaana ay kula wareegeen deegaannada kala ah Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame. Karanooy iyo Daawuudow.
Deegaannadan ayaa hoos taga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, waxaana howlgalka sammeeyay ciidanka xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka.
Howlgalkan ayaa waxa lagala wareegay Al-Shabaab  deegaannadaasi oo ay muddo maamulayen Ururkaasi.
Ciidanka xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa sido kale howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Berdaale iyo Qasaxdheere waxay uga sareen kooxda Alshabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha