Sawirro: Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqday deegaanka Yasooman

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray degaannadii dhowaan laga saaray Ururka Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa tagay degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan halkaasi oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab wexayna socod ku mareen guud ahaan degaanka iyagoo dhiirrigelin u sammeeyay Dadka deegaanka iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay Al-Shabaab kala wareegay degaanmo badan islamarkaana ka dilay dagaayanno gaaraya inkabadan 200.

Related Articles

News In English

Fikradaha