Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha difaaca ee Mareykanka

|

USA (Onkod Radio)— Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa xarunta wasaaradda difaaca ee Maraykanka ee Pentagon, wuxuu ku soo dhoweeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha weftigiisa ee la socday.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo lagaga hadlay kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay, in labada masuul ay yeesheen kulan midho dhal ah.

“Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo wada-xaajoodyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda gobolka iyo tan caalamka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha