Sheekh Aadan Madoobe oo kulan kula qaatay Baydhabo odyaasha dhaqanka Koofur-Galbeed

|

Baydhabo (Onkod Radio) – Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa laba arrimood kala hadlay odayaasha dhaqanka kuwaasoo kala ah shirka dib u heshiisiinta ee uu isagu iclaamiyay iyo dagaalka Al-Shabaab.

Sheekh Aden Madoobe ayaa ugu horreyn odayaasha dhaqanka kala tashaday arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyagoona u sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin shirkaasi.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka in ay door muuqdo ka qaataan sidii  Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha ayaa dhankooda ka dalbaday Sheekh Aadan Madoobe in lagu dhawaaqo maalinta uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, taasoo ay gol-lahaayeen in go’aan laga soo saaro xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan tan doorashooyinka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii danbe wajahayay xaalado adag, kadib muran dhanka doorashada ah oo ka dhashay doorashada ku soo fool leh maamulkaasi.

Ugu danbeyn xaaladda ayaa ka sii dartay markii xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ay ka biyo diideen muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Related Articles

News In English

Fikradaha