Sheekh Shariif ‘’ Fursad hala siiyo Nabadda Laascanood ‘’

|

Muqdisho (ONKOD) Madaxwaynihii hore ee dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in la  joogo waqtigii wada hadal lagu dhameyn lahaa xiisada ka taagan magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in dagaalka ka dhacay Laascanood dadkii ugu badnaa ay isaga barakaceen magaalada Laascanood kuwaas oo ku dayacan meelo kala duwan oo gobolada SSC ah .

“Waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan ‘’ ayuu sheegay Sheekh Shariif.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in la joogo waqtigii wada hadal lagu dhamayn lahaa colaada ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag , halkaas oo qalaalase badan uu ka tagan yahay bilooyin badan.

“Labada dhinac ee dagaallamay waxaan ku dhiirra gelinaynaa in Nabadda fursad la siiyo, miiska wadahadal kana shuruud la’aan lagu soo noqdo, annagoo fahamsan heerka xun ee ay colaaddu gaartay ‘’  ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa dhica kale dowladda Federaalka ugu baaqay inay qaadato ‘dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac.’

 

Related Articles

News In English

Fikradaha