Shiinaha oo ka walaacsan ka bixitaanka Trump ee heshiiska cimilada ee Paris

|

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in Beijing ay “ka walaacsan tahay” in Mareykanka uu ka baxo heshiiskii Paris markii labaad.

Shirka jaraa’id ee joogtada ah, Guo Jiakun waxa uu sheegay in tani ay kasoohor jeedo mowqifka waddankiisa, kaas oo uu sheegay in uu “si firfircoon uga jawaabayo” kuleylka caalamiga ah.

Waxa uu sidoo kale ku dhaleeceeyay Washington inay ka baxdo Ururka Caafimaadka Adduunka marka ay tahay in la xoojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Guo ayaa sheegay in ay jirto “kaalin weyn oo iskaashi ganacsi” oo u dhexeeysa quwadaha adduunka, inkastoo Donald Trump uu ku hanjabay inuu soo rogayo wareegtooyin cusub oo canshuur ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha