Shir gooni oo diirada lagu saaray doorashada KG & mid guud oo lala yeeshay Odayaasha

|

Baydhabo (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxa uu kula kulmay Odayaasha dhaqanka magaaladaas oo ay ka wada- hadleen arrimo dhawr ah.

Waxa lagu soo waramaya in Xasan Sheekh Odayaasha uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin howgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab sidi uu uga bilaaban lahaa deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada.

Lama soo hadal qaadin sida xogaha ay sheegayaan arrimaha doorashooyinka oo ah waxa ugu way nee Xasan Sheekh u tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Warar  horudhaca ah ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Laftagareen ay yeesheen shir gaar ah oo ay diirada saareen cabashada ay qabaan qaar ka mid ah mucaaradka diidan mudddo kordhin.

Siyaasiinta koonfur Galbeed ayaa dhaliilsan habka Madaxwaynaha uu u maray doorashooyinka deegaanada maamulkaas   , maadama waqtiga uu ka dhamaaday Laftagareen isla markaana ay ahayn in doorasho loo dareero.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo dhanka siyaasiinta koonfur Galbeed  uu culays ka saran yahay lama oga sida uu xal  ugu keeni karo , maadama ay muuqanaysa isku bir tumashada doorashada waqtigeeda dhaaftay.

Related Articles

News In English

Fikradaha