Shir looga hadlayo taageerada dhaqaale ee howlgalka AUSSOM oo ka socda Uganda

|

Waxaa magaalada Kambaala ee caasimada dalka Uganda ka socda shir u dhaxeeya  Taliyeyaasha dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxa uuna soconayaa shirka 22 ilaa iyo 25 bishan April.

Shirkan ayaa waxa uu yahay mid ay Taliyeyaasha uga hadlayaan sidii taageero dhaqaalo loogu garab istaagi lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galeya, ayaa ka socda dalalka Uganda , Kenya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, iyo Masar oo markii ugu horeeysay si rasmi ah uga qeyb noqoneysa howlgalka AUSSOM.

Dowladda Masar, ayaan horay uga mid aheyn howlgalkii AMISOM iyo ATMIS, waxaana Masar ay hadda qorsheyneysa in ay xooga saarto arimaha amniga geeska Afrika.

Geesta kale shirkan ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shirweyne ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka Afrika, kaasi oo looga hadli doono mustaqbalka howlgalka AUSSOM, iyo sidii loo heli lahaa taageero dhaqaalo oo joogta ah.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filaya in wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ay garaan dalka Yugaandha, si ugu qeyb galaan shirarka ka soconaya dalkaasi.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha