Shirka DF & Dowlad- Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

|

Muqdisho (Onkod Radio)— Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta ka furmay caasimadda Muqdisho.

Shirkan inta uu socdo waxaa lagu gorfayn doonaa wada-shaqaynta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo maalmahan aad xumaa.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa gudoominaya shirkan, waxaana ku sugan dhamaan wasiirada Maaliyada dowlad goboleedyada oo shirkan u yimid magaalada Muqdisho.

Gaba gabada shirkan ayaa la filayaa in labada dhinac ay ka soo saaraan qodobo xal u noqon kara khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada.

Dhawaan Wasiirada maaliyada maamul goboleedyada ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen wada- shaqayntii ay la lahayeen Dowladda dhexe ka dib markii ay ku eedeyeen in heshiis u dhaxeeyay labada dhinac dhanka Dowladda ay ka socon wayday.

Shirka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay wada yeeshaan Wasiirada maamul- goboleedyada iyo Dowladda dhexe

Related Articles

News In English

Fikradaha