Shirka Golaha Wasiirrada DF oo loogu hadlay Abaaraha iyo Amniga

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Abaaraha, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan qabsoomay iyo ansixinta heshiiska tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga waxa ay ka  dhageysteen Wasaarradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyadoo goluhu boggaadiyay “howlgallada ciidanka qaranka ee lagu beegsanayo goobaha ay Al-Shabaab ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.”  Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Dhanka kale Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiiska habmaamuuska ee u dhexeeya Xukuumadda JFS iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkiga ee ku saabsan tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamada oo ay gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa shirka Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay howlaha gurmadka abaaraha halka ay marayaan, waxayna mar kale ku celisay baaqii dowladda ee ku aaddanaa in gurmad lala gaaro shacabka la daalaa dhacaya abaaraha inta aysan isku baddelin macluul.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda FS Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha warbixin ka siiyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan ku qabsoomay Muqdisho, kaa soo looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh Qaranka waxuuna tilmaamay in guul laga gaaray qodobadii looga hadlay shirka intii uu socday.

Related Articles

News In English

Fikradaha