Shirqool lagu dilay Taliyihii Ururka 2-aad ee Ciidanka xoogga dalka

|

Warsheekh ( ONKOD) Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay deegaanka Masjid Cali Gagaduud ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Iska hor imaadkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac , soo gaaray ciidanka wada dagaalamay oo iskugu jira ciidan iyo saraakiil.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku qarxay si lama filaan ah, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan oo isaga horyimid duleedka deegaankaasi.

Cabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa taliyihii ururka 2-aad ciidanka ayaa la soo werinayaa inuu ka mid noqday askarta lagu dilay dagaalkan, isagoo hoggaaminayay ciidan ka baxay xerada Maslax ee duleeda Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta ay geeriyootay ay gaarayaan illaa afar, halka ay dhaawacmeen 5 kale oo ah dhinacyada dagaalamay.

Illaa hadda iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka lagu dilay sarkaalkaas ku baxay isla gacanta ciidamada.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha