Siyaasiyiinta mucaaradka oo dowladda uga digay inay joojiso xaraashka ay ku wado dhulka danta guud

|

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxafadeed ay uga digayaan in dowladda ay joojiso dhulalka danta guud ee ay xarasheyso, iyaga oo uga digay inay taasi ay tahay mid khatar ku ah dowladnimada dalka.

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dowladda uga digay inay joojiso xaraashka ay ku wado dhulka danta guud.

Waxa ay dowladda ku eedeyeen inay joogto ka dhigatay barakacinta dadka danta yar, burburinta xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeelka Caafimaadka, iyaga oo sheegay in inta badan dhulka badankiisa laga iibinayo ganacsato, halka qaar kalana la siiyo qoysas gaar ah, qaarna laaluush loo siiyo siyaasiyiin dowladda taageera.

“Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen.

Sidoo kale siyaasiyiintan waxa ay walaac ka muujiyeen xaalada amniga dalka, dhaqaalaha iyo hab-maamulka siyaasadeed ee dalka.

Related Articles

News In English

Fikradaha