SJS, ayaa tababar ku saabsan xuquuqda aadanaha u qabatay 25 weriyaal kala socday tv yada iyo idaacadaha, Cadaado

|

Uururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Somali Journalists Syndicate – SJS, ayaa tababar ku qabtay degmada Cadaado ee gobolka Galmudug, tababarkaas ayaa loo qabtay 25 weriyaal ka kala socday tv yada iyo idaacadaha gobolka oo dhan.
Tababarka ayaa waxaa furay Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle,
Ururka ayaa tababar ku saabsan xuquuqda aadanaha u qabtay weriyaal gaaraaya 25 weriye oo ka howl gala gobolkaasi, Tababarkan ayaa ka mid ahaa tababar kor looga qaadaye Suxufiyiinta xirfadooda asagoona uu socday muddo dhan saddex maalin.
Tababarka ayaa qeeyb ka ahaa mid lagu qabanaayay 5ta, maamul goboleedyada ee ka jira Dalka asagoona iska kaashadeen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali journalists syndicate SJS, iyo Hey’adda NED.
Tababarka ayaa maanta lasoo geba gabeeyay ayagoona Shahaadooyin la guddoonsiiyay 25 Saxafiyiin ee ka howlgala Gobolka Mudug
Xoghaayaha guud ee Ururka SJS, Cabdalle Axmed Mumin, ayaa ku boorriyay weriyaasha casharrada inaysan halkaasi ku dhaafin oo dadaalkooda kasii wadaan.
Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle
Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle

   

Related Articles

News In English

Fikradaha