Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo saaray war-murtiyeed wadajir ah kaddib booqashadii Abiy Axmed

|

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya bayaan wadajir jir ah, kaddib booqashadii maanta uu Muqdisho ku ymid Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in booqashada Abiy Axmed ay daba socota wadahadallo xiriir ah oo labada dhinac dhexmaray bilihii la soo dhaafay kaasi oo lagu hagaajinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale bayaan oo ku qornaa luuqda Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in labada dal ay ka go,an tahay  xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shacabka labada dal iyo xuduudda ay wadaagaan, kordhna loogu qaadi doono dhisidda kalsoonida iyada oo la xoojinayo iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo bulshada dhexdooda ah.

“Labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen bilaabashada wadahadalladii farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyey Baaqa Ankara, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay wadahadal wax dhisaya iyo iskaashi dhab ah. Waxay kaloo bogaadiyeen isfahamka ay gaareen saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo kuwa Difaaca Qaranka Ethiopia (ENDF), taasoo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn bayaanka ayaa lagu yiri “ Labada dhinac waxay markale adkeeyeen go’aankooda ah in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta danaha guud, xoojinta nabadda iyo amniga, iyo kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah si loogu danaysto danta shacabka labada dal iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika”.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha