Soomaaliya ayaa 54 sano kaddib shalay si toos ah xubin uga noqotay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxa ayna Soomaaliya kamid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aan joogtada aheyn.
Kursiga ayey soomaaliya ku matali doontaa bariga Afrika, muddo labo sannadood oo ka bilaabeysa 1-da bishaan Janaayo ee sannadkan ilaa iyo 2026-ka.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”
Sikastaba, Booskan ayaa Soomaaliya loo doortay bishii June ee sannadkii 2024-ka waxaana isku mar shalay golaha ammaanka ku soo biiray dalalka Panama, Denmark Pakistan iyo Giriigga.
Dhinaca kale madaxweyihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 23 may ee sannadkii 2022-kii marka uu xilka wareejiyanayay warbaahinta u sheegay isaga oo garab taagan madaxweyne Xasan Sheekh, inay codsi u direen golaha ammaanka kaasi oo ku aadan in Soomaaliya ay xubin toos ah ka noqoto fadhiyada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Sidoo kale warar madax banaan ayaa sheegaya in Muqdisho uu ka dhici doono isku-soo bax lagu soo dhaweynayo guusha Soomaaliya u soo hootay ee ah in Nus qarni kaddib ay Soomaaliya fariisato fadhiyada golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay.