Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa soo saaray liiska dalal lagu lee yahay Deymaha aan la bixin ee gaarsiin karaa in dalalkaasi aysan codsan Karin in ay xubin ka noqdaan Golaha Guud, sida uu qorayo xeerka 19-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Warqad uu 17-ka Feberaayo 2025, uu xoghayaha golaha ammaanka Antonio Guterres, uu u diray madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa muujineysay in sagaal waddan hadda lagu lee yahay deymo heerkooda gaarsiisan karaa in ay lumiyaan codadkooda, haddii aysan bixin tabarucaada lagu lee yahay.
Wadamada lagu lee yahay waxaa kamid ah, Afghanistan, Bolivia, Cape Verde, Congo, Ecuador, Grenada, Guinea-Bissau, Sao Tome and Principe, iyo Venezuela. Qaramada Midoobay waxay sidoo kale caddeysay in Sao Tome and Principe loo ogolaaday in uu sii wado codbixinta ilaa dhammaadka kalfadhiga 79-aad ee golaha.
Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 35-sano kaddib ku guulaysatay in ay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Sidoo kale Soomaaliya ayaa sannadkii 2022-kii waxa ay kaalinta 11-aad kaga jirtay liiska dalalka lagu lee yahay lacagaha xubnimada Qaramada Midoobay, iyada oo lacagta lagu lahaa ay aheyd 1,446,163.
Sikastaba, Soomaaliya ayaa ku dhawaad 54 kaddib waxa ay kursi aan joogta aheyn ka heshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.