Soomaaliya oo loo kordhiyay cunaqabataynta hubka

|

NewYork (ONKOD) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan sida xubnha Golaha ay ku sheegeen kulan ay ku yeesheen xaruntooda NewYork.

Talaabadan ayay u cuskoodeen xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in wali ay jirto baahi loo qabo dhanka amniga taasna ay horseeday in la gaaro go’aankan lagu kordhinayo cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

“Xaaladda Soomaaliay weli waa mid khatar ku ah amniga caalamka,” ayaa lagu yiri go’aankan, oo loo cuskaday kordhinta cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la socodka cunaqabataynta Soomaaliya, ilaa iyo 31ka Diseembar 2023.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey golaha ammaanka uga codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Alshabaab.

Markii ugu horraysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ku soo rogo cunaqabatayn guud oo dhanka hubka ah ayaa aheyd dabayaaqadii bishii Janaayo, 1992, iyadoo arrintaas lagu meelmariyay qaraar uu tirsigiisu ahaa 733 (1992).

Bilo kaddib waxaa soo baxay qaraar tirsigiisu yahay 751 (1992), kaas oo soo baxay 24-kii Abriil 1992, kaas oo uu ujeedkiisu ahaa in lagu dhowro oo lagu dhammaystiro cunaqabataynta hubka ee uu Golaha Ammaanku ku soo rogay qaraarkii uu tirsigiisu ahaa 733 (1992).

Waxaase xigay qaraarro lagu sii sharraxay, waxna looga beddelay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, iyadoo qaraar uu tirsigiisu ahaa 2111 (2013), uu Golaha Ammaanku ku adkeeyay waxyaabo laga reebay cunaqabataynta hubka ee dalka.

Hasayeeshee 2013-kii ayuu goluhu qaraar tirsigiisu yahay 2111(2013) ku go’aamiyay in qeyb kamid ah cunaqabataynta hubka la qaado, si loo fasaxo hubka qaar ama saanad milateri, talo, kaalmo ama tababarba la galiyo horumarinta ciidammada ammaanka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya

Related Articles

News In English

Fikradaha