Soomaaliya ayaa codsi u dirtay dowladda Dalka Burundi si ay Soomaaliya ugu soo dirto koox farsamo oo ka shaqaysa arrimaha bixitaanka ciidamada Burundi ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Cabdiqaadir Maxamed Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya,ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca Burundi (BNDF) aysan qeyb ka noqon doonin Howlgalka Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM).
Wasiirka ayaa intaa ku daray hadalkiisa wasiirka inay aad uga xun yihiin is-afgarad la’aanta ka dhalatay qoondada ciidamada Burundi ee howlgalka cusub laga siiyay, sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladda Soomaaliya waxay si aad uga mahadcelineysaa taageerada iyo wadajirka ay muujisay Jamhuuriyadda Burundi, gaar ahaan dadaalka weyn ee ay ciidamadeeda Qaranku ka geysteen nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay wasiirka in dowladda federaalka Soomaaliya ay bilaabeyso tillaabooyin cad oo lagu xaqiijinayo in mas’uuliyadaha ciidanka Burundi ay si habsami leh ugu wareegaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Sikastaba, arrintaan ayaa ku soo aadeysa
Iyada oo Dowladda Burundi ay diiday qoondadii Soomaaliya ay siiyay Ciidanka ee 1,000 askari, halka iyada dalbatay 2,000.