Waxaa Maanta deggan xaalada Magaalada Ceergaabo ee gobolka Sanaag, halkaasi oo labadi maalmood ee lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen Ciidanka SSC Khaatumo iyo kuwa Somaliland, iyada oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi.
Iyada oo wali ay labada dhinac isku hub uruursanayaan, ayaa war-saaxafadeed kasoo baxay SSC Khaatumo, lagu sheegay in dagalka dhacay ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah isla markaana ciidanka Somaliland ay dhacen hantida dadweynaha, waxaana la tilmaamay in falkaasi uusan aheyn midkii horeeyay ayna marmar badan dhibaatadaasi u geysteen Shacabka ciidanka Somaliland.
“SSC Khaatumo falkan waxa ay u aragtaa duulaan bareer ah iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda bulshada,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka. “Maamulka SSC Khaatumo waxa kale oo uu xusaya duqayntii aan kala sooca lahayn ee 9-ka bilood ay Somaliland ku haysay Laascaanood, taasi oo galaafatay nolosha dad shacab ah.”
Sidoo kale war-saaxafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, uu xaalada uga sii daray, kaddib markii uu go,aansaday inuu xoog ku gaaro xuduudka Ingiriiska taasi oo sababtay in dagaalka uu dhaco.
Inkasto ay hadda xaalada deggan tahay, isla markaana ciidanka SSC Khaatumo ay shegeen inay xeelad dagaal uga baxeen Magaalada, wallow ay warbaahinta Somaliland sheegtay in awood looga saaray ciidanka SSC Khaatumo Magaalada,balse markasta laga cabsi qabaa in dagaalka markale uu ka qarxo Magaalada.