SSC – oo dusha ugu tuurtay dagaal dhaxmaray [ iyaga ] Somaliland

|

Laascanood (ONKOD) Ciidanka Somaliland iyo kuwa maamulka dhawaan- galka ah ee SSC Khatumo ayaa maanta oo Arbacaha dagaal uu ku dhaxmaray deegaano ka mid ah SSC- Khaatumo.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu ka dhashay kaas oo kala garaay dhinacyada dagaalamay sida goobjoogayaashu ay sheegeen.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay maanta deeganada Buqdharkayn ilaa Yeyle oo isku jirta masaafo dhan 8 Kilometer.

War ka soo baxay SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidanka Somaliland oo ay u arkaan gardaro aan geed loogu soo gaban.

Warka waxaa lagu yiri .

‘’ Ciiddammada difaaca maamulka  SSC-KHAATUMO oo heegan buuxa ku jiray ayaa ka jawaabay weerarkaa fulaynimada ah iyagoona iska caabbiyey malayshiyaadka maamulka Somaliland.

Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu ka dhabaynayo ballan qaadkii colaad ka hurin deegaannada oodwadaagta ah, taasoo keenaysa dhimasho, burbur, iyo qaxinta bulshada oodwadaagta ah’’

Dhanka Somaliland lama hayo wax war ah oo uu ka soo saaray dagaalka maanta ka dhacay deegaano hoos taga maamulka SSC- Khaatumo

Related Articles

News In English

Fikradaha