Suxufiyiin ku kulmay Nairobi oo cambaareeyay xarigga Abdalle Axmed Muumin.

|

(Onkodradio.so) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta oo Sabti ah waxaa kulan garab istaag ah isugu yimid dhallinyaro iyo suxufiyiin ka howlgala warbaahinta dalka Kenya.

Suxufiyiintan ayaa kulankooda waxa ay ku cambaareeyeen xarigga xoghayaha SJS Cabdalla Muumin ee daba ay ka riixayso wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya si gaar ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas Cabdiraxmaan Al Cadaalla

Inta uu kulanka socday ayay ku dalbadeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya xoriyadiisa ay siiso xoghayaha SJS Cabdale Axmed Muumin oo in muddo ah saaraan xanibaan sharci dara ah oo Wasaaradda Warfaafinta ay saartay.

Suxufiyiintan oo ay ka muuqtay caro ay ka qaadeen go’ aanka Wasaaradda Warfaafinta iyo Cabdiraxmaan Cadalla ayaa codsaday in Dowladdu ay dhawrto xoriyatul- qowlka isla markaana ay joojiso caga juglaynta ay ku hayso xoghaye Cabdalle Axmed Muumin.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Telefishanka Al- Jazeera wax ka waydiisay xarigga Cabdalla Muumin ayaa ka meermeeray inuu bixiyo jawaab sax ah oo ku saabsan kiiska lagu haysto xoghaye Cabdalla Axmed Muumin.

Dowladea Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa in ku dhaw seddax bil waxa u xiran Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin oo dhamaan laga hor istaagay dhamaan xuquuqiyaadkii uu siiyaya dastuurka dalka u yaala.

Related Articles

News In English

Fikradaha