Taariikhda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale

|

Muqdisho  (Onkod Radio)—  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in, isaga oo tixraacaya soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, uu u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa cusub ee magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa wuxuu dhashay 1965, wuxuuna ku dhashay magaaladda Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa warbarashadiisa jamacadeed ku qaatay wadanka Masar sannadahii 2004-2008 , wuxuuna ka qalinjabiyay Jamacadda American Open Univertity ee magaaladda Cairo dalka Masar asaga oo ka bartay daraasaadka Islaamiyah Wal Carabiyah, Sidoo kale wuxuu ka qaatay isla Al-azhar Al-shariif hal sano oo Cilmiga Bulshada.

Sanadihii 1986-1991, wuxuu ka shaqaynayay Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryaynta, isaga oo ka soo qabtay jagooyinka Madaxa Xafiisyada Logistics-ka iyo Wax soo saarka.

1992-1993, wuxuu soo noqday Agaasimaha Waaxda Batroolka ee Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta.
2008-2013, wuxuu qabtay xilka Gudoomiyahay Xarunta Nabadda iyo Horumarinta Bulshada ee Magaalada Qaahira.

2010-2011 wuxuu noqday Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Masar.

2011-2015, Wuxuu ahaa xilka Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbga Nabadda Horumarka (PDP).

Maddaale wuxuu xilka Guddoomiyaha gobolka la wareegay 2-dii November 2015, waxaana jagada laga laga diray bishii Abriil 2017, iyadoo lagu baddelay Thabit Cabdi Maxamed. Maddaale wuxuu ahaa Guddoomiyihii uu MW Xasan uga tagay gobolka 2017-kii.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dib loogu magacaabay xilkaan shan sano kaddib markii uu Farmaajo xilka ka qaaday April-06-2017.

Guddoomiye Yuusuf ayaa intii uu xilka hayey lagu xusuustaa mashaariic badan oo uu Gobolka Banaadir ka hirgaliyey kuwaas oo u badnaa dib u dhiska waddooyinkii burbursanaa. Mashruucii $1 ku dhiso dalkaaga oo uu aragtidiisa lahaa ayaa dad badani ku amaaneen.

Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu qeyb ka ahaa siyaasiyiin door weyn ka qaatay culeyskii Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu saaray in dalka ay ka qabsoonto doorasho, waxaana xusid mudan inuu xubin ka yahay xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu hore u soo noqday Xoghayaha Xisbigii Nabadda iyo Horumarka, oo markii danbe gaashaan-buur la noqday Xisbigii Daljir, looguna wan-qalay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, kaasoo hadda xilka ku guuleystay.

Related Articles

News In English

Fikradaha