Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed looga codsaday in ay ka gacan siiyaan soo qabashada labo eedeysane oo baxsad ah kuwaasi oo dil geystay.
Qoraalka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in raggan eedeysanayaasha ah ee ka baxsaday sharciga lagu kala magacaabo C/risaaq Cali Maxamed ( Aflow) iyo Sadaam Cumar C/ Samad, kuna eedeysan in dil bareer ah u geysteen askari katirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Marxuum Caamir Ismaaciil Cali oo 25 jir ah.
Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu yiri “Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in ay soo qabashada eedeysanayaashaan ku gacan siiyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed”.
“Waxaana lagu amaal marinayaa ruuxii soo gudbiyay xog sahleysa in gacanta lagu dhigo amma xumin walba oo ka tirsan Hay’addaha amaanka oo ku guuleesya in uu gacanta ku soo dhigo 10.000$ toban kun oo Doolarka Mareykanka ah”. Ayaa ugu dambeyn lagu sheegay qoraalka Booliska.
Sikastaba dhacdooyinka la xiriira dilal marmar qaar a isku geystaan ciidanka dowladda, ayaa mudooyinkii dambe soo kordhayay, iyada oo maxkamada ciidamada qalabka sida ay sheegtay in askarigii geysta fal dil ah sharciga waxa uu qabo la marsiin doono.