Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay wefdi ka socday dowladda Masar

|

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday Dalka Masar.

Kulanka gaar ah oo Taliyaha iyo Masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen sare u qaadista tababarrada iyo la dagaallanka Dambiyada lasiinayo ciidanka Booliska Soomaaliya si  ay uga hortagaan falal dambiyeedyada, waxaana madaxda ka socotay ay shegeen in Masar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Boliiska Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha